Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo watay gaadiidka dagaalka ayaa xalay Saqdii edhexe e Xalay hoygiisa kala baxay Nabadoon C/llaahi Xasan Abuukar oo ku magac dheer (C/llaahi Dheere).

Sida wararku sheegyaaan Ciidamada ayaa tagay guriga Ninkan oo ku yaala xaafada Shareeco ee deegaanka Ceelasha Biyaha, iyagoo halkaas ka soo kaxeystay, waxaa la sheegayaa inay la soo aadeen magaalada Muqdisho.

Ehelada C/llaahi Dheere ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay ineysan garaneyn waxa lagu heysto Nabadoonka, iyagoo ka war helay ku dhowaad 4 ka mid ah gaadiidka dagaalka oo gurigooda lagu hareereeyay iyo Ciidamo xoog ku soo galay guriga xilli dadka ay jiifeen.

C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere), ayaa hore u soo noqday Afhayeenkii Golaha Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye ee la aas aasay xilligii Ciidamadii Itoobiya Muqdisho joogeen.

Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay hey’adaha amniga dowladda oo ku saabsan xariga nabadoonkan, waxaana xarigiisa si weyn looga hadal hayay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.