Ciidamada Jabhada ONLF oo bilaabay inay dib ugu laabtaan Jigjiga

Qaar ka mid ah ciidamada jabhada ONLF oo  ku sugnaa caasimada dalka Eritrea ee Casmara ayaa maanta loogaga soo qaaday labo diyaaradood iyagoo ka degey garoonka diyaaradaha magaalada Jigjiga.

Ciidamadan oo ah kuwa aan hubeysneyn ayaa waxaa dib ugu laabashada deegaankooda ka dambeeyay kadib markii ay heshiis gaareen dowlada Itoobiya iyo jabhada ONLF.

Boqolaal ka mid ah Shacabka magaalada Jigjiga ayaa Ciidamaas ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiilwaal ee Magalada Jigjiga.

Maalmaha soo  socda ayaa la rajeynayaa in ciidamo kale dib ugu soo laabtaan deegaanada ay ka soo jeedaan kadib markii sanooyin badan ay dagaalo kula jireen ciidamada dowlada Itoobiya.

Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa bilaabay inuu la heshiiyo jabhadihii ka soo horjeeday dowlada Itoobiya iyo weliba dalka Eritrea oo cadaawad xun ay u dhexeysay.

Hase yeeshee waxaa soo baxaya eedeymo ay u jeedinayaan hogaamiyaasha siyaasada ee qowmiyada Tigreega kuwaasoo sheegay in la siyaasadeynayo arrimaha dalka Itoobiya iyadoo la bartilmaameedsanayo saraakiisha sarsare ee ka soo jeeda qowmiyada Tigreega.