Wararka ka imaanaya degmada Afmadow ee Gobolka Jubadda Hosoe ayaa sheegaya in Ciidamada Jubbaland ay la wareegeen deegaanka Xadar, kaddib markii ay saaka weerar qorsheysan ku qaadeen.

Dagaal kooban ayaa Ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab ku dhex maray deegaanka Xagar, iyadoo markii dambe ay Al-Shabaab isaga baxeen.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in Ciidamada aanay la kulmin wax iska caabin xoog leh, isla markaana Shabaabkii ku sugnaa isaga carareen deegaanka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada Jubbaland ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaan deegaanka Xadar, sidoo kale ciidamada ayaa qorsheynaya inay deegaano kale la wareegaan.

Muddooyinkii u dambeeyay Ciidamada Jubbaland ayaa ku guda jiray diyaar garow dagaal oo la xiriira sidii weerar loogu qaadi lahaa deegaanada Jubada Hoose iyo Jubadda Dhexe ee ay maamulaan Al-Shabaab.