Milatariga Maraykanka ayaa xaqiijiyay in ay duqeyntii saddexaad qaadeen toddobaadkan iyadoo ay xoogeysatay weerarada duqeynta ah ciidamada Maraykanka ku hayaan Al-Shabaab sanadkan.

Sida laga soo xigtey Taliska ciidamada Maraykanka ee Africa AFRICOM duqeyntii ugu dambeysay ayaa ka dhacday meel u dhow deegaanka Malayle ee gobolka Jubbada Hoose.

Maraykanka ayaa sheegay in weerarkii ugu dambeeyay aysan ka qeybqaadan ciidamo lugta ah oo Maraykan ah,Weerarkan oo dhacay Arbacadii ayaa yimid maalin kadib weerar kale oo lagu qaaday meel ku dhow deegaanka Huley ee gobolka Shabelaha Hoose.

Isniintii aynu ka soo gudubnay ayaa weerar isugu jira duqeyn iyo mid toos ah waxaa lagu qaaday saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Darasalaam ee gobolka Sh/hoose.

Weerarka ka dhacay Darasalaam oo ku dhow Aw-dhegle ayaa Maraykanku waxa uu ku beeniyay in looga diley askar halka ay ururka Alshabaab sheegeen inay ku dileen askari kamid ah ciidamada Maraykanka.

Taliska AFRICOM ayaa ku qaaday 28 weerar Al-Shabaab 11ka toddobaad ee ugu horeysa sanadkan 2019,waxana ay ku dhow yihiin weeraradan inay saddex jibaarmaan marka lala barbardhigo weeraradii sanadkii hore ay qaadeen AFRICOM.