Dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Milateriga iyo Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay deegaanka Bariire, halkaasoo maalmo ka hor ay la wareegeen Ciidamada dowladda.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in xalay saqdii dhexe ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ay Ciidamada Milateriga Soomaaliya ka sameysteen deegaanka Bariire oo hoos taga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo muddo saacado qaatay, lana isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay  inay iska caabiyeen weerar Al-Shabaab ku soo qaadeen, ayna dib u celiyeen.

Ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan Guutada Danab ayaa khamiistii la soo dhaafay la wareegay deegaanka Bariire oo qiyaastii degmada Afgooye u jirta 30KM.

Deegaanka Bariire ayaa caan ku ahaa dagaalo soo noq-noqday, waxaana sanadkii 2017 deegaankaas isu gacan dhaafay Al-Shabaab iyo Ciidanka dowladda.