Wararka ka imaanaya degmada Cadaado ayaa sheegaya in caawa Ciidamo ka tirsan NISA iyo Ciidanka Kumaandoosta Danab ee qeybta 21aad ay la wareegeen Madaxtooyada Cadaado oo ay muddooyinkii u dambeeyay gacanta ku hayeen Ciidamo deegaanka ah.

Howlgalkan ayaa la sheegay inuu hoggaaminayay Sarkaal lagu magacaabo Cabdi Dheere oo dhowaan loo magacaabay Taliyaha NISA qeybta Galmudug.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ay bixisay amarka ay Ciidanka NISA iyo kuwa Danab kula wareegeen xarunta madaxtooyada Cadaado.

Ciidamo deegaanka ah ayaa muddooyinkii u dambeeyay gacanta ku hayay Madaxtooyada Cadaado, tan iyo markii uu khilaaf soo kala dhex galay Madaxda Galmudug, isla markaana Maamulka Galmudug u qeybsamay labo garab.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in la wareegitaanka Xarunta Madaxtooyada Cadaado ay bilow u tahay qorshe dowladdu ugu gogol xaareyso doorashada lagu wado inay Galmudug, waxaana socda wada hadalo iyo dadaalo dowladdu wado oo looga dhaadhicinayo Madaxda Galmudug ee waqtigeeda gabaabsiga yahay sidii ay u aqbali lahaayeen doorashada dhici doonta bilaha soo socdo.