Ciidamada NISA oo gacanta ku dhigay xubin ka tirsan Daacish-ta Soomaaliya

Ciidamada Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen xubin ka tirsan Ururka Daacish ama ISIS ee Soomaaliya ku sugan.

Sida lagu shaaciyay qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in xalay fiidkii ay Ciidamada Amniga qabteen shaqsigan

“Ciidamada Amniga ayaa fiidnimadii xalay oo ku beegan 13-ka Novembar 2018, Magaalada Muqdisho ka soo qabtay shakhsi ururka ISIS ee Soomaaliya iyo Xagjirka wadamada kale ka jira u kala gudbin jiray dhaqaalaha. Qabashada shakhsigan ayaa dhantaalaysa marinada dhaqaale ee ISIS”ayaa lagu yiri qoraalka barta Twitter-ka ee NISA.

Inta badan howlgalada qarsoodiga ee NISA ka fuliso Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaa looga hadlaa war kooban oo lagu soo qoro barta Twitter-ka, lama sheego magacyada xubnaha la qabto.