Qoraal ka soo baxay ciidanka ammaanka Puntland ee loo yaqaano PSF­ ee ku sugan gobolka Bari ayaa lagu faah faahiyay howlgal looga hortagay weerar ay damacsanaayeen Shabaab iney ku soo qaadaan Saldhigyada Ciidamada amniga Puntland.

Warbixin kooban oo lagu faafiyay barta ciidamadaasi ku leeyihiin Facebook ayaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu fashiliyay Weerar ku soo wajahnaa goobaha ay ciidamada Puntland kaga sugan yihiin Buuraha Cal Madow ee gobolka Bari.

“Ciidamada Amniga Puntland PSF ayaa fuliyey hawlgallo ay kaga hortagayaan argagixisada ku dhuumaalaysta Buuraha Cal Madow, gaar ahaan Buuraleyda Warbad iyo Gebidheer,kuwaas oo damacsanaa in ay soo weeraraan goobaha ay ciidamada Puntland kaga sugan yihiin Buuraha Cal Madow” ayaa lagu yiri qoraalka.

Laguma xusin warbixintaas in howlgalka uu sababay gacan ka hadal iyo hadii ay jiraan dad ay ku soo qabteen howlgalka looga hortagay weerarka Shabaab.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee PSF-­ta ayaa bilaabay howlgalo ka dhan ah Al Shabaab, tan iyo markii Shabaab bishii June 2016 weerar kusoo qaadeen saldhigii ciidanka Daraawiishta Puntland kulahaayeen deegaanka Af­urur ee dhanka Koofur Galbeed kaga toosan magaalada Boosaaso .

Ciidamada amaanka Puntland “PSF” oo tageero dhaqaale iyo mid tababar ka hela Dowlada Mareykanka ayaa dagaalo iyo howlgalo lagu xakamenyanayo dhaqdhaqaaqa kooxaha argagixisada ah ka sameeya degaanada hoos yimaada Puntland, gaar ahaan gobolka Bari oo Shabaab iyo Daacish Saldhigyo waaweyn ay ku leeyihiin.