Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa dib ugu laabtay deegaanka Af Urur oo ay isaga soo baxeen dhowaan iyadoo halkaasi ay la wareegeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Muddo labo toddobaad ku dhow ayaa deegaanka waxaa gacanta ku hayay ururka al-Shabaab, balse saraakiisha ciidanka Puntland ayaa hadda sheegay si buuxda inay deegaanka u maamulayaan.

Taliyaha ururka saddexaad ee ciidammada Daraawiishta Puntland Gaashaanle dhexe Maxamuud Maxamed. ayaa xaqiijiyay in ay dib ula wareegeen deegaanka Af Urur.

Maleeshiyaadkii Al-shabaab ayaa  la sheegay inay ku laabteen buuraleyda dhanka waqooyi ka xigta tuulada Af-Urur oo ay markii hore ka soo baxeen.

Deegaanka Af Urur oo dagaal ciidammo badan ay kaga geeriyoodeen Puntland sannadkii 2017kii uu ka dhacay ayaa dhowr mar gacan ku heynteeda waxaa isaga dambeeyay al-Shabaab iyo ciidanka Puntland.