Cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland oo ku fariisimo ku lahaa deegaanka Galgala ee gobolka Bari ayaa saaka isaga soo baxay.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan ciidamadan oo isugu jira Boolis iyo ciidamada Daraawiishta ay dib ugu laabteen deegaan lagu magacaabo Jimbac ee isla gobolka Bari.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay ka cabanayaan mushaar la’aan soo wajahday dhowrkii bilood ee la soo dhaafay. Mana ahan markii ugu horeysay ee ay ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland ay cabasho ka keenaan mushaar la’aan.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland balse Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni ayaa hore u ballanqaaday inuu bixin doono mushaaraadka ciidamada bil walba.