Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa ka socda deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii labadii maalmood ee la soo dhaafay ay Ciidamada Xoogga dalka ay la wareegeen tuulooyin hoos taga degmada Afgooye.

Ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ee loo yaqaano Danab ayaa howlgallo qorsheysan ka waday tuulooyin hoos-taga Afgooye oo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa la wareegay tuulooyinka Sabiib, Caanoole iyo Baladul Amiin oo ahaa deegaano Al-Shabaab ka talinayeen oo lacagaha canshuuraha ku qaadaan.

Wararka ayaa sheegaya in intii howlgalada socdeen ay dhaceen duqeyn cirka ah oo diyaarado dagaal ka fuliyeen, inkastoo aan la ogeyn khasaare rasmi ah oo ka dhashay.

Deegaanada Ciidamada dowladda la wareegeen ayaa dhowr jeer oo hore ay ka soo baxeen Ciidamada, waxaana la ogeyn in ciidamada ay sii joogi doonaan iyo in kale.