Wararka ka imaanaya magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in qarax xooggan lala eegtay Ciidamada Itoobiya, qaraxan ayaa ka dhacay bartamaha magaalada.

Qaraxa ayaa ahaa miino kuwa dhulka lagu aaso, waxaa la sheegayaa in khasaare ay soo gaartay ciidamada Itoobiya, waxaana ciidamada ay fureen rasaas, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ay sababtay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada ay goobta qaraxa lagula eegtay xireen, si aanay dadka u arkin khasaaraha gaaray.

Isu socodka dadweynaha iyo dhaq dhaqaaqa ganacsiga ayaa hakad ku yimid, markii qaraxa dhacay, inkastoo muddo kaddib uu dib u furmay.

Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii qarax ismiidaamin ah lala eegtay saldhig Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin garoonka diyaaradaha Baardheere.