Ciidan loo tababaray badbaadinta dadka ku hafta biyaha badda oo loogu talogalay  Garoonka Aadan Cadee tan iyo burburkii Dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay sameeyay dhoolatus ay ku muujinayeen tababarkii ay qaateen ee la xiriira gudashada waajibaadkii loo igmaday.Ujeedada arrin tan ka dambeysa ayaa ah in la waafajiyo nidaamyada iyo adeegyada kajira garoonada caalamiga ah ee ka dhisan dunida inteedi kale,waxaana ciidanku ay bilaabeen in ay guda galaan shaqooyinkii loo igmaday.

Maxamed Cabdiwahaab oo hogaaminayay kooxda loo diyaariyay  badbaadinta dadka ku hafta biyaha bada hadii ay dhacdo lama filaan ah qabsato ayaa sheegay in ay haystaan xirfad iyo tababara ku filan oo ay ku gudan karaan waajibaadka loo igmaday,wuxuuna xusay in ay diyaar u yihiin in ay bulshadoodi u adeegaan.

S/Gaas Bashiir Cabdi Maxamed Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gob jog ahaa  ayaa la wareegay dhul loogu talgalay in xarun looga dhisa Ciidanka Ilaalada xeebaha Soomaaliya  gaar ahaan kuwa ilaalada xeebta garoonka,wuxuuna taliyuhu muujiyay in ay diyaar u yihiin sidii ciidankaasi ay u qabsan lahaayeen waajibaadkooda.

Wasiirka  gadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomar ayaa sheegay in ciidanka ay qeyb ka yihiin Horumarinta Garoonk,islamarkaana amnigiisa uu noqon doono mid meeshi laga rabay gaara.

Todobaadkaan gudihiisa ayay aheyd Markii dib loo dhagax dhigay xaruntii horey ee dam-demiska Garoonka Aadan Cade,waxaana tani ay muujinaysaa in garoonkaasi uu ku talaabsanayo horumar ku aadan in loo dhameystiro guud ahaan adeegyada ay bulshadu uga baahanyihiin.

HALKAN GASHO