Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ugu hanjabay Golaha Wasiirada inay mooshin ka keeni doonaan, haddii ay soo xaadiri waayaan kulanka soo socda ee Baarlamaanka.

Mr Jeesow ayaa sheegay in aan la aqbali doonin Wasiiro Xildhibaano ah inay ka maqnaadaan fadhiga Baarlamaanka, isagoo ugu goodiyay inay ridi doonaan.

“Waxaa balan ku qaadeynaa haddii fadhigan fadhiga ku xigo imaan waayaan Golaha Wasiirada, Wallaahi baan ku dhaartay anaa horkacayo, Mooshin ayaa ka keenyenaa, kuligood waa rideynaa, Ra’iisul wasaaraha ha ogaado”ayuu yiri Daahir Amiin Jeesow.

Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ahaa taageerayaasha Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa dhowaan ka soo horjeestay, isagoo cambaareeyay booqashadii Ra’iisul wasaaraha ku tagay Kismaayo.

In ka badan 40 Xildhibaan ayaa ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya, kuwaasoo lagu eedeeyay inay inta badan ka maqan yihiin fadhiyada Baarlamaanka, balse marka xaalad xasaasi jirto ama sharci Xukuumadda la ansixinayo ayay fadhiyada Baarlamaanka yimaadaan.

Kulankii Baarlamaanka ee maanta baaqday ayaa loo sababeeyay baaqashadiisa maqnaanshaha Wasiirada Xildhibaanada ah, waxaana fadhiga maanta soo xaadiray illaa 116 Xildhibaan.