Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Xildhibaanada ka soo jeeda Hirshabeelle ayaa ka hadlay xiisada ka taagan magaalada Beledweyne ee sababtay in iska hor imaad shalay ka dhacay duleedka magaalada lagu dilo Taliyihii Qeybta Booliska Gobolka Hiiraan.

Daahir Jeesow ayaa ku baaqay in la joojiyo gacan ka hadalka, ayna dadka reer Hiiraan ku dadaalaan nabadda, waxaana uu caddeeyay in Midnimada Hirshabeelle ay tahay lama taabtaan.

Waxaa uu sheegay in Guddi Xildhibaano ah ay u saarayaan arrinta ka jirta Hiiraan, isla markaana ay ku bixi doonaan sidii xaalada ay u dejin lahaayeen.

Xildhibaanka ayaa intaa ku daray inay ka war heleen in dagaalka Hiiraan ay ku lug leeyihiin Ciidamada dowladda Federaalka sida Milateriga iyo Nabadsugida.

“Waxaa la sheegayaa in Ciidamadii dowladda Federaalka, sida Milateriga iyo Nabadsugida in dagaalka ay ku lug leeyihiin, haddii arrintaas cadaato waxaa kula xisaabtameynaa Xukuumadda oo ciidankeeda xakameyn weysay”ayuu yiri Daahir Amiin Jeesow.

Xiisada ka taagan magaalada Beledweyne ayaa salka ku heysa xil ka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo diiday xil ka qaadista, waxaana ciidamo taabacsan ay ka wadaan gudaha iyo daafaha magaalada Beledweyne dhaq dhaqaaqyo ciidan.