Xaliimo Aadan oo ah gabar asalkeedu yahay Soomaali balse haysata dhalashada Maraykanka ayaa taariikh cusub dhigtay ka dib markii ay noqotay gabadhii u horeysay ee Muslim ah ee ka soo muuqanaysa jariidadda caanka ah ee Sports Illustrated iyadoo xijaaban.

Sawiro hordhac ayuu soo bandhigay Sports Illustrated waxana uu daabacay wargeysku in dhowaan la soo bandhigi doono markii ugu horeysay gabar Muslim ah oo xijaaban sawiradeeda.

“Gabdhaha da’da yar ee xijaabka xirta waa in ay meel walbe ka helaan gabadh iyaga oo kale oo ay ku daydaan,” ayay tiri Xaliimo oo BBC la hadashay.

Xaliimo Aadan oo ku kortay xero qaxooti oo Kenya ku taalla ayaa u wareegtay Maraykanka iyadoo toddobo jir ah, wax yar ka dibna waxay billawday in ay xirato xijaabka.

“Hadda waxaan aragnaa siyaasiyiin, dumar ganacsada, saxafiyiin telefishinno ka shaqeeya iyo dumar kale oo nolosha guul ka gaaray iyaga oo xijaaban, taasina waa fariinta aan doonayno in aan dirno” ayay tiri.

“Fal celinta aan helay waa mid cajiib ah ayay tiri, sharaf ayayna ii tahay in jariidadda Sports Illustrated ay qaaddo tallaabo ay ku soo bandhigayso quruxda dumarka xijaaban.”

Hore ayay u soo bandhigtey Xaliimo Aadan muuqaalo iyadoo xiran Xijaab, waxaana ay haatan ka mid tahay dadka ugu caansan caalamka.