Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa markale ku celiyay in ay socdaan howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab, isagoo ka codsaday shacabka in  ay u adkeystaan dhibaatooyinka ka dhasha howlgalada ay ciidamada dowladdu sameynayaan.

Madaxweyne  Farmaajo oo maanta ka hadlayay masjidka ku yaal Madaxtooyada Salaada Jimce kadib ayaa sheegay in dowladiisu ay dooneyso in ay dowladaha ka dambeeya aysan ku mashquulin arrimaha amniga oo ay ku mashquulaan horumarka.

“Dowladihii iga horeeyay dadaal weyn ayay ku bixiyeen inay ka shaqeeyaan amniga annigana waxaan doonayaa in dowlada iga dambeyso ay xilka la wareegto dalka oo nabad ah.”ayuu yiri Madaxweyne  Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku macneeyay sababaha marwalba ay Al-Shabaab weerarada uga geystaan Muqdisho inay tahay in la yiraahdo dowlad kama jirto Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlaya Masjidka Madaxtooyada;

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta salaaddii Jimcaha keddib ka hadlay Masjidka Shuhadada ee…

Publiée par Villa Somalia sur Vendredi 5 avril 2019

HALKAN GASHO