Madaxweyne dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo caawa ka hadlayay Munaasabadda 15-ka May oo ka dhacday Xarunta Gaadiidka Booliska ayaa ka hadlay xaalada Galmudug oo ka mid ahaa waxyaabihii la isku mari waayay shirkii dhowaan natiijo la’aanta ku dhamaaday ee Garowe.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in arrinta Galmudug dhowr jeer laga hadlay, balse markii la soo bandhigay in la qabto dib u heshiisiin iyo in dadka reer Galmudug ay wada hadlaan uu markii hore aqbalay Madaxweyne Xaaf, balse markii uu tashi geliyay uu la soo noqday inuu arrintaas diiday.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku kaftamay xaalada ka jirta Galmudug ay la mid tahay sida qof xanuunsan oo loo baahan yahay saddex marxalad inuu maro, in marka hore Isbitaal tago, la ogaado xaalkiisa, la baaro, kaddibna daawo la siiyo, balse daawadii uu diiday Madaxweyne Xaaf.

“Qofka hadduu xanuunsan yahay saddex weji ayuu maraa, weji waa inuu aqbalo inuu xanuunsan yahay oo uu isbitaal aado, waxaa u baahanahay uu yiraahdo xaaladeyda inaan ogaado, wejiga labaad waa in la fiiriyo xaaladiisa cudurka uu qabo iyo xaalada uu ku jiro, sida loo daaweyn karo, qeybta saddexaad waxaa loo qoraa daawo, arrinta Galmudug marka ka hadlo arrimaha kale gaar weeye, waa aragnay dhibka jira, waa dhageysanay, waa baarnay waxaa ogaanay in loo baahan yahay in la wada hadlo, dadka gobolka degan dib u heshiisiin in loo sameeyo, ka bacdi doorashada in la galo, madaxweynaha walaalkey ma aqbalin daawadii mana qaadan, qofka marka meel yimaado waa xanuunsanahay daawo la siiyo asiga la rabaa inuu kala doorto daawadii inuu diido, haddii la idin yiri Galmudug lama xalin waa la xaliyay, waqti kororsi intaas ka badan waa in go’aan ka gaaraan dadka reer Galmudug”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Halkan ka daawo