Waxaa ku sugan weli duleedka degmada Balcad qaar kamid ah ciidamada xoogga dalka oo ka soo baxay xarumihii ay hore ugu sugnaayeen ee gobolka Sh/dhexe.

Ciidamadan ayaa waxa ay ka cabanayaan mushaar la’aan iyo daryeel isugu darsantay,hase yeeshee wararkii u dambeeyay ayaa sheegaya in ay socdaan wadahadalo ku aadan sidii ciidamadan ay dib ugu laaban lahaayeen goobihii ay soo faarujiyeen oo ah goobo muhiim u ah maamul goboleedka Hirshabelle.

Daawo ;Ciidamada ku sugan duleedka Balcad oo ka hadlaya dareenkooda;