Dab goor dhow ka kacay Suuqa weyn ee Bakaaraha

Dab ayaa goor dhow ka kacay bartamaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo dabka uu bilowday xilli habeenimo ah.

Sida ay sheegayaan wararka dabka ayaa xooggiisa waxaa uu ka socda halka lagu iibiyo dharka loo yaqaano huudheyda.

Waxaa jirta cabsi laga qabo inuu dabka fido, waxaa socda dadaalo la doonayo in lagu damiyo, waxaana goobta gaaray gawaarida dab damiska ah.

Illaa iyo hadda lama oga waxa sababay dabka, hase ahaatee waxaa uu kacay, xilli dabeylo ay jiraan, isla markaana suura gal ka dhigi kara in dabku sii fido.

Sanadihii u dambeeyay ayaa waxaa Suuqa bakaaraha ku soo noq-noqday dabka ka kaca qeybaha suuqa, waxaana loo sababeeyay dhowr arrimood.