Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka uu dab ka kacay saldhig Ciidamada Galmudug ku leeyihiin deegaan lagu magacaabo Docol.

Sida wararku sheegayaan dabka ayaa ka dhashay cilad koronto, waxaana uu ka kacay Bakhaar hubka lagu keydiyo.

Dabka ayaa saameeyay qeyb ka mid ah bakhaarka, waxaana la soo sheegayaa inay qarxeen hubkii ku jiray.

Deegaanka uu dabka ka kacay Docol waxaa uu magaalada Gaalkacyo u jiraa 40KM, waxaa socda gurmad la doonayo in lagu damiyo dabka, laguna badbaadiyo hubka intiisa kale.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Galmudug oo ku aadan dabka saaka ka kacay bakhaarada hubka ku keydsadaan.