Kumanaan ruux oo ka kala yimid gobolada dalka Sudan ayaa ku sii qulqulaya bartamaha magaalada Khartoum ee caasimada dalka Sudan si ay uga qeybgalaan banaanbaxa lagu dalbanayo in maamul rayid ah loo dhiibo talada dalka Sudan.

Dadkan ku soo biiraya banaanbaxayaasha ayaa ka jawaabaya baaq ka soo yeeray ururka xirfadlayaasha dalka Sudan kaasoo doonaya in maalinta Jimcaha ee berrita ah ay soo bandhigaan illaa hal malyan ruux oo ka qeybqaata banaanbaxa.

Dadka wararka fidiya ayaa sheegaya in dadka banaanbaxaya ay gaarayaan boqolaal kun oo ruux.

Dadka banaanbaxaya ayaa markii ugu horeysay waxaa ku soo biirey xaakimiinta Maxkamada sare ee dalka Sudan kuwaasoo tiradooda lagu qiyaasay illaa boqol xaakim.

Golaha Milatariga ee Kumeel gaarka dalka Sudan TMC iyo xoogaga mucaaradka ayaa isku khilaafsan mudada ay Milatarigu ku wareejinayaa xukunka kadib markii la afgambiyay dowladii uu horkacayay General Cumar Xasan Al-Bashir.

Midowga Afrika ayaa kulan uu dhowaan ku yeeshay magaalada Qahira waxaa uu u qabtay saddex bilood in Milatarigu ku dhamaystiro diyaargarowga ku wareejinta maamulka xukuumad rayid ah.

Hase yeeshee kooxaha mucaaradka ah ayaa diiday in waqtiga loo dheereeyo milatariga ayna tahay in ay si deg-deg ah xukunka ugu wareejiyaan xukummad kumeelgaar ah.

Wararka kale ee dalka Sudan ka imanaya ayaa sheegaya in saddex kamid ah generalada ugu caansan dalkaasi ay is casileen balse golaha Milatariga ee maamula dalkaas ayaan weli ka aqbalin is casilaada.