Ugu yaraan shan ruux ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari mini bus ah oo ay saarnaayeen ay ku qaraxday miino dhulka lagu aasay meel ku dhow magaalada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Gaariga miinada kula qaraxday ayaa la sheegay inuu ka yimid deegaanka Cabdow dibile uuna ku soo jeeday magaalada Muqdisho.

Ciidamada dowlada iyo maamulka degmada afgooye ayaa la sheegay iney u gurmadeen dadka waxyeeladu ka soo gaartay qaraxa miinadan iyadoo dadkii dhaawaca ahaan loo soo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho.

Ma aha markii ugu horeysay ee dad rayid ah oo saarnaa gaari rakaab ay ku qaraxdo miino dhulka lagu aasay.