Xeer Ilaalinta Maamulka la magac baxay Somaliland ayaa shaaciyay dambiyada loo haysto Weriye Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo ku xiran muddolabo bilood ah magaalada Hargeysa.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Xeer ilaalinta ayaa lagu sheegay in dambiyada loo heysto Wariye codloon ay ka mid yihiin in uu ku xadgudbay jiritaanka somaliland,isla markaana xukuumadda Somaliland uu ku tilmaamay mid ku socota wadadii Madaxweynihii dowlad deegaanka ee Cabdi Maxamuud Cumar.

Sidoo kale Cabdi Maalik ayaa lagu eedeeyay in mid ka mid ah dugsiyada ugu waaweyn magaalada Hargeysa uu ku sheegay in uu yahay dugsi lagu barto casharo la xiriira Galmoodka dadka isku jinsiga ah iyo kuwa ka baxsan diinta Islaamka.

Ugu dambeyn Xeer ilaalinta Soomaaliland ayaa Maxkamada Sare ka codsatay inay ku dhowaaqdo xilliga rasmiga ah ee la dhagaysanayo dacwada loo haysto Cabdi Maalik Muuse Coldoon.