Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada Maka Al-Mukarama, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo.

Uuro iyo qiic cirka isku shareerayay ayaa laga arkayay meelo fog fog, waxaana wararku sheegayana in qaraxa uu ka dhacay agagaarka Hotelka Wehliye.

Qaraxan ayaa ahaa mid jugtiisa si weyn looga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, welina si dhab ah looma oga khasaaraha rasmiga iyo halka bartilmaameedka ahaa.

Todobaadkan ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay qaraxyo xiriir ahaa oo uu ku jiray qarax ismiidaamin lagu weeraray Sabtidii Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dowladda Soomaaliya.