Dil toogasho ah oo lagu xukumay Askari qof shacab ah ku dilay qori Dhashiike ah

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka ayaa dil toogasho ku xukuntau labo xidigle Xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud), kaasoo si bareer ah dil ugu geystay Marxuum Dayax Iimaan Xasan  21-ka bishii September sanadkii 2018, dilkaasi oo ka dhacay agagaarka Seybiyaano  degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada amniga ayaa soo qabtay Eedeysanaha, waxaana lagu  wareejiyay Hey’adaha Baarista.

Marxuum Dayax Iimaan Xasan ayaa ahaa wiil dhallinyara ah, waxa uu sidoo kale ahaa wade gaari raaxo isagoo sidoo kale soo dhameeyay heerka waxbarashada koowaad  ee jaamacadda Plasma.

Muddo baaristooda kadib  ayay codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Laba xidigle xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud), waxa  ayna Maxkamadda aqbashay in la muddeeyo 10-ka Bishii 12aad ee sanadkii tagay.

Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ah ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Side ayaa fadhiga maxkamadda ka sheegay in eedeysanaha uu u adeegsaday  qori Dhashiika ah  meel ciriiri  badan ka jiro, balse ah qori loogu tala galay furumaha dagaalka.

Laba xidigle Maxamed C/llaahi Maxamed (Kumbud) ayaa sheegay in u jeedkiisu ahaa sidii uu u furi lahaa waddada oo aheyd Beerta jaadka halka loo yaqaano xilligaasi oo ay saxmad ka jirtay, balse lagu war geliyay in ay sababtay xabadii uu riday dhimashada Marxuum Dayax Iimaan Xasan.

Qareenada ayaa ku dooday in loo naxariisto sarkaalka loona fududeeyo  xukunka, maadaama uu goobta falka ka dhacay ay aheyd goob Saxmad ah.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa maanta go’aan ka gaaray, waxaana lagu xukumay eedeysane  Ex, Laba xidigle xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) dil toogasha ah oo ah qisaastii Marxuum Dayax Iimaan Xasan, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute

Maxkamadda Ciidamada ayaa horay digniin uga dirtay in aan lagu xad gudbin muwaadiniinta isaga kala goosha magaalada, waxa ayna sheegtay in ciddii geysata dil ku tala gal ah aan looga waaban doonin sharciga.