Ciidamada cirka ee dalka Indonesia ayaa  sheegay inay ka qeybqaadanayaan sidii looga kicin lahaa dadka saxuurta bisha barakaysan ee Ramadaan.

Bogga twitterka ee ciidamada cirka dalka Indonisia ayaa lagu qoray in diyaaradaha dagaalka ay bandhigyo ku sameynayaan hawada magaalooyinka waaweyn xilliyada  saxuurta si ay dadka hurdada ugaga toosiyaan.

“Inshallah, waxaan ka qeybqaadan doonaa annagoo isticmaalayna diyaaradaha dagaalka caadada ah kicinta saxuurta.”ayaa lagu qoray bogga twitterka ee ciidamada cirka Indonisia.

Duuliyaasha diyaaradaha ayaa xilliga saxuurta la gaaro waxa ay u isticmaali doonaan sameecado waaweyn iyo dhowaaqa diyaaradaha si dadka ay suxuurta u toosaan.

Dalka Indonisia ayaa ka mid ah wadamo badan oo caalamka ka mid ah kuwaasoo leh dhaqan ah in dadka saxuurta loo kiciyo.