Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday deegaano ka mid ah gobolka Gedo, iyadoo la soo sheegayo in duqeymaha ay geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Afar xarumood oo Shabaab ay ku lahaayeen inta u dhexeysa degmada Ceelwaaq iyo deegaanka Buusaar ayaa la sheegay in gantaalo lala dhacay, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan inuu jiro khasaare Shabaabka lagu gaarsiiyay.

Guddoomiyaha deegaanka Buusaar Aadan Cusmaan ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay in Saldhigyada la garaacay ay ahaayeen kuwo Shabaab ay ka soo qaadi jireen weerarada ka dhanka ah Ciidamada Soomaalida iyo kuwa AMISOM ee gobolka Gedo ku sugan

“Duqeyn ayaa ka dhacday inta u dhaxeysa Buusaar iyo Ceelwaaq, waa Duqeyn diyaaradeed dalka laga leeyahay ma garan karno, laakiin nimankii cadowga ayaa la beegsaday iyaga ayeyna dhibaato ka soo gaartay, inkastoo aniga aanan meesha tagin laakiin illaa afar goobood oo Shabaab ay ku sugnaayeen ayey duqeynta ka dhacday, xubno fara badan ayaana looga dilay dib ayaan ka soo sheegi doonaa khasaaraha soo gaaray Shabaab”ayuu yiri Guddoomiyaha deegaanka Buusaar.

Aadan Cusmaan ayaa meesha ka saaray iney jirto khasaare weerarka uu u geystay dadka Shacabka ah ee ka agdhawaa deegaanada la beegsaday, wuxuuna sheegay in duqeynta ay dhacday xilli ay dadka guryohooda Jiifeen.

Lama oga cida sida rasmiga ah uga danbeyso duqeynta, balse diyaaradaha Mareykanka ayaa inta badan duqeymo la beegsada deegaanada Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ay ka joogaan xubnaha Shabaab.