Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya diyaarado dagaal oo duqeeyay deegaano katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaasoo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Diyaaradaha dagaal oo loo maleynayo iney leeyihiin Ciidanka Mareykanka ayaa saqdii dhexe ee xalay gantaalo la dhacay Kuunya Barow, Awdheegle, deegaanka Dacaaraha oo ku dhaw Qoryooley iyo Janaale.

Xubno ka tirsan maamulka gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay in dhowr gantaal lagu dhuftay Saldhigyo, Xarumo maamul iyo goobo ay canshuuraha ku qaadi jireen Al-Shabaab, kuwaasoo lagu gaarsiiyay khasaare, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha.

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay┬áin goobaha la beegsaday ay ahaayeen deegaano Shabaab ay ka soo qaadi jireen weerarada ka dhanka ah Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom, mararka qaarna lagu diyaarin jiray qaraxyada la soo geliyo magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab oo qirtay jiritaanka weeraradaas, ayaa meesha ka saartay wararka sheegaya in khasaare uu ka soo gaaray duqeynta, waxaana ay tilmaameen in duqeynta ka dhacday Kuunya Barow ay waxyeelo gaarsiisay dad shacab ah, isla markaana ay ku dhinteen saddex ruux oo middi carruur tahay, Macalin Dugsi iyo qof deegaanka ah, sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo laba ruux ah.

Shabaab oo saaka howlgal ka sameeyay deegaanadii, iyagoo amar ku bixiyay in aan la soo geli karin deegaanka, lagana bixi karin, waxaa la sheegayaa in dad dhowr ah ay u xireen duqeynta, iyagoo ku tuhunsan inay hagayeen.