Wararka ka imanaya gobolka Shabelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Danab ee Soomaaliya oo taageero ka helaya diyaarado Mareykan ah ay weerareen xalay saldhig ay Shabaab ku lahaayeen tuulada Daarusalaam oo qiyaastii 7 km u jirta degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha Awdheegle Maxamed Aweys Abuukar (Maxamed Yarow) ayaa sheegay in weerarkan lagu diley lix ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Sidoo kale, Guddoomiyaha degmada Awdheegle ayaa sheegey in haweeney rayid aheyd ay ku dhimatay duqeynta ay geysteen, sida uu yiri, diyaarado aan duuliye wadin oo weerarkaasi qeyb ka ahaa.

Al-Shabaab ayaa dhankooda warar ay ku qoreen Baraha Internet-ka waxa ayu ku sheegeen inay weerarkaasi fashiliyeen sidoo kale ay ku dileen Sarkaal ka tirsan ciidamada Mareykanka ee weerarka kusoo qaaday.

Hase yeeshee mar jiro warar ka madax banaan labada dhinac ee xaqiininaya khasaaraha ka dhashay duqeynta.