Cabdulaahi Dool oo ka mid ahaa diblumaasiyiinta Soomaaliyeed balse bishii aynu ka soo gudubnay laga eryay xafiiska Wasaarada Arrimaha Dibbada ayaa markale ku celiyay in uu rumeysan yahay in Soomaaliya ay xiriir la yeelato Israel.

Wareysi uu siiyay wargeyska ka soo baxa Israel ee The Times of Israel ayuu Dool ku sheegay in cabsi awgeed uu ugaga soo tegey dalka uuna ku sugan yahay wadan kale oo uusan sheegeyn.

Wargeyska ayaa daabacay in Dool uu aaminsan yahay in xiriir diblumaasi lala yeesho uu dalka Soomaaliya la yeesho Israel ay jiraan dad badan oo aragtidaas qaba.

“Waxaan aaminsanahay in xiriirka lala yeesho Israel ay dan weyn ugu jirto Soomaaliya, ayna Dowlada Israel gacan ka geysan karto sidii argagaxisada looga sifeyn lahaa dalka Soomaaliya.”ayuu yiri Doo loo ah 59 jir muddo dheer ka mid ahaa shaqaalaha Wasaarada Arrimaha Dibbada.

“Waxaan aaminsanahay in aan xaq u leeyahay in cudurdaar laga bixiyo wixii igu dhacay.”ayuu sii raaciyay Dool oo aaminsan in uu soo bandhigay aragtidiisa oo qura aysana ahayn aragtida dowlada Soomaaliya qoraalka uu ku qoray boggiisa Twitterka taasuu ku sheegay in ay habboon tahay in Soomaaliya ay xiriir diblumaasi la yeelato Israel.

Wargeyska ayaa qoray taariiq nololeedka Cabdulaahi Dool, oo ay ku sheegtay in uu ku dhashay magaalada Beledweyne sanadkii 1960kii uuna wax ku bartay jaamacad ku taal dalka Hindiya isagoo ka soo shaqeeyay safaaradaha ay dowlada Soomaaliya ku leedahay dalalka Kuwait iyo Britain.