Magaalada Baydhabo waxaa ka socota doorashada labo kursi oo ka mid ah kuwa ka banaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo deegaan doorashadiisa ay tahay Koofur Galbeed.

Kuraasta la buuxinayo maanta mid kamid ah waxaa iska casilay Taliyihii hore ee Nabadsugida Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen , kaasoo u tartamay doorashada madaxtinimo ee Koofur Galbeed oo dhacday bishii December sanadkii 2018.

Kursiga kale waxaa ka geeriyooday Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Korneel Ruush) oo xanuun ku soo booday 30-kii December 2018 ugu geeriyooday mid ka mid ah Isbitaalada ku yaala magaalada Muqdihso.

Guddiga madaxa banana ee doorashooyinka, ayaa sheegay n Kursiga uu baneeyay Taliyihii hore ee NISA, dadka ku tartamaya ay kala yihiin:

1.Cali Shiiq C/Laahi
2.Siid Cali Cismaan Xuseen

Kursiga kale waxaa iyana ku tartamaya sida Guddiga doorashooyinka ay shaaciyeen laba musharax oo kala ah:

1, Nuur Siidow Baba Xasan
2, Fiqi C/Laahi Mayow.

Gelinka dnabe ee manta ilaa Caawa sida qorshuhu yahay waxaa iyana dhaceysa buuxinta kursiga uu baneeyay madaxweynaha Koofur Galbeed C/ Casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, waxaana todobaadkii hore Baydhabo gaaray wafdi ay hoggaamineysay Guddoomiye Xaliimo Yareey oo tababar u soo xiray ergada wax dooraneysa oo 153 qof.