Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa sheegay in magaalada Baydhabo dhowaan lagu qabanayo doorashada labo kursi oo ka banaan golaha shacabka.

Kuraasta loo tartamayo ayaa waxaa mid kamid ah baneeyay Madaxweynaha KoofurGalbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed halka kursiga kale uu ahaa kursi uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Axmed Mayow Cabdulle (Kornel Ruush).

Guddiga ayaa ku wargeliyay musharaxiinta u tartamaya labada kursi in qabashada araajiyada iyo diiwaan gelinta ay bilaabaneyso 14-ka bishan April ayna ku egtahay 21-April ee sanadka 2019-ka.

Sidoo kale, Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa ku wargeliyay musharaxiintii horay isugu diiwaan-gelisay Kursigii uu baneeyay Xildhibaan hore Xuseen Cismaan Xuseen in la qabanayo doorashada Kursigaasi.