Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa Maanta Xafiiskiisa kula kulmay Safiirka Britain u jooga gudaha Dalka Soomaaliya Ben Fender.

General Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe iyo Danjire Ben Fender ayaa ka wada hadlay xariirka Soomaaliya iyo Britain gaar ahaan dhanka Ciidamada.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa ka warbixiyay Taariikhda iyo xariirka iskaashi ee ka dhaxeeya Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Britain.

Danjiraha Dowlada Britain u jooga gudaha Dalka Soomaaliya Ben Fender ayaa sheegay in UK ay Soomaaliya ka taageri doonto Dhismaha iyo Tababarada Ciidamada Xoogga Dalka.

Dowlada Britain ayaa ka mid ah Dowladaha Soomaaliya ka taageera Tababarada Ciidamada qalabka Sida.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli dowlada Soomaaliya ay ku jirto xaalad adag gaar ahaan arrimaha ciidamada xoogga dalka iyadoo ciidamadu ay ka cabanayaan xaalad dhaqaale xumo kadib markii aysan helin mushaaraadkooda afartii bilood ee la soo dhaafay.

HALKAN GASHO