Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federalka Xasan Cali Kheyre oo dhowrkii maalmood booqasho ku joogay magaalada Kismaayo ayaa xalay loogu sameeyay xaflad sagootin ah xarunta madaxtooyada magaalada Kismaayo.

Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweyne kuxigeenada Maamulka Jubbaland, Wasiirada Heer federaal iyo kuwa Maamulka Jubbaland, Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magalada Kismaayo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo khudbad ka jeediyey munaasabada ayaa waxaa uu sheegay in safarkii uu ku tegay Kismaayo uu ahaa mid guul ku dhamaaday lana dhamayn doono khilaafkii ka dhex jirey labada dhinac.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay inuu dhamaaday khilaafkii kala dhexeeyay Dowlada Federalka uuna dhowaan booqan doono magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in kulankii Garowe ka dhacay oo uu Madaxweyne Farmaajo is cafin ku dhowaaqay uu tixgelinayo isla markaana la shaqeyn doono dowlada federalka.

Si kasta ha ahaatee maalmihii la soo dhaafay ayaa wadahadalo ay ku yeelanayeen magaalada Kismayo ra’iisul wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Axmed Madoobe waxaana door mug leh ku lahaa wadahadladaa agaasime ku xigeenka hay’ada Nabad Sugida Fahad Yaasiin.