Wasiirka Maaliyadda Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa magaalada Addis Ababa kaga qeyb-galay shir looga hadlayo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya iyo dhameystirka hanaanka deyn cafinta Soomaaliya.

“Waxaa magaalada Adis Ababa inooga furmay Shirka IMF iyo Dowladda Soomaaliya oo aan uga wada hada hadleyno horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, dhameystirka hanaanka deyn cafinta iyo ka wada tashiga hiigsiga sanadaha soo socda”ayuu yiri Wasiir Bayle.

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya hadda ay taagantahay meel Aduunku wada ogyahay taas oo ah in dhabihii guusha ay ku socoto.