Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in duqeyn lagu diley 15 sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab

Dowladda Somaliya ayaa sheegtay in 15 ka mid ah dagaalamayaasha  Alshabaab lagu dilay tiro kalena ay ku dhaawacmeen duqeyn xalay ciidamada Maraykanku la beegsadeen tuulada Hargeysa yarey ee gobolka Jubadda dhexe.

Wakaalada Wararka Soomaaliyeed  ee SONNA ayaa shaacisay in goobta la duqeeyey ay ku shirsanaayeen ku dhowaad 30 ka tirsan Saraakiisha Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa ka dhacday meel 11-km qiyaastii u jirta tuulada Hargeysa Yarey wararka ayaa intaa ku daraya in ilaa sadex gantaal oo xoogan lagu dhuftay goobta ay ku shirsanaayeen Al-shabaab sida SONNA ay daabacday.

Saraakiisha Alshabaab ee shirka joogay ayey wakaaladu sheegtay iney magacyadooda ka mid ahaayeen, Daahir Gacmay, C/raxmaan Takar, Sayid Dheere, C/llaahi Rabbi, Waliid iyo kuwo kale.

Hase yeeshee illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada Maraykanka gaar ahaan ciidamada u qaabilsan Afrika ee kuwaasoo ka hadla duqeynta ay ciidamada Maraykanka ka geystaan dalka Soomaaliya.