Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay inay gacanta ku soo dhigtey sarkaal ka tirsan ururka Al-Shabaab gaar ahaan qeybta Amniyaatka.

Sida lagu daabacay bogga wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA howlgal ay ciidamada ammaanka ka fuliyeen magaalada Muqdisho 21kii bishan oo ku beegneyd shalay oo Khamiis ahayd ayaa lagu soo qabtay sarkaalkan.

Qofkan la soo qabtay ayaa lagu tilmaamay inuu u qaabilsanaa Al-Shabaab abaabulka iyo hogaaminta dilal badan oo lagu qaarijiyay dadweyne soomaaliyeed.

Hase yeeshee Dowlada ayaan shaacin magaca qofkan la soo qabtay iyo weliba faahfaahin la xiriirta howlgalka lagu soo qabtay.

Waa howlgalkii saddexaad ee toddobaadkan ay ciidamada dowlada si gaar ah uga fuliyaan magaalada Muqdisho kuna soo qabtaan rag lagu eedeynayo inay ka tirsan ururka Al-Shabaab.