Safaaradda Soomaaliya ee ku leedahay Magaaladda Khartoum ee dalka Sudan  ayaa ugu baaqday Soomaalida ku nool dalkaasi inay muujiyaan Taxadar dheeraad ah, ayna ka foggaadaan goobaha ay dadku isugu yimaadaam.

Halkaan hoose ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay  Safaaradda.

“Iyadoo la tixgalinayo xaaladda ka taagan dalka Suudaan, waxa ay ugu baaqeysaa Safaaradda JFS ee Khartoum guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkan in ay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, ayna ka fogaadaan goobaha ay dadku isugu yimaadaan”