Dowladda Itoobiya ayaa ka hadashay doorkeeda wadahadalada u socda Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, kaddib khilaaf siyaasadeed oo bishii hore soo kala dhex galay labada dal

Qoraal laga soo saaray xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, ayaa lagu sheegay in Abiye Axmed uu la wareegay masuuliyada sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirkii Xukuumadaha Nairobi iyo Muqdisho oo gaaray meeshii ugu xumeyd abid, taasoo keentay in labada Safiir ay dib ugu laabtaan Casimadohooda.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in kulan uu Talaadadii shalay Adis Abababa kula yeeshey madaxweyne Farmaajo iyo mid kale oo Uhuro Kenyatta kula qaatay Axadii Isla Addis uu kala hadlay sidii ay u yeelan lahaayeen wadahadal fool ka fool ah.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya oo sidoo kale ah Guddoomiyaha xiligan ee Urur Goboleedka IGAD ayaa xalay ka dagay magaalada Nairobi, isagoo Addis ka soo kaxeeyay madaxweyne Farmaajo oo shalay safar deg deg ahaa ku gaaray Itoobiya.

Kulanka maanta ay wada qaadanaayaan Uhuru iyo Farmaajo oo ah mid isha lagu wada hayo, ayaan la ogeyn waxa ka soo bixi kara, iyadoo la filayo in laga soo saaro War Murtiyeed ay ku cad yihiin qodobada ay isla qaadan doonaan labada hoggaamiye.

Dadka odorasa arrimaha Soomaaliya ayaa dhaliilay in Madaxweyne Farmaajo uu ka dego Kenya, iyadoo horay u eriday Safiirka Soomaaliya, isla markaana Kenya oo ka mas’uul aheyd xiriirka xumaaday uu dalkeeda ugu tago, waxaa taa bedelkeed siyaasiyiinta tilmaameen inay aheyd wada hadalada inuu ka dhaco dal saddexaad.

Waxey kaloo sheegayaan in booqashada madaxweynaha ay ka dhigantahay in Somaaliya ay Kenya raali gelin ka siisay cabashadeeda, iyadoo waxa la isku hayo ay aheyd meelo ka mid ah biyaha Soomaaliya oo ay dowladda Kenya si xoog ah ku sheeganeyso.