Dowladda Itoobiya oo sheegtay in duqeyn ay ka fulisay Soomaaliya ku dishay 70 Al-Shabaab

Ciidamada Cirka ee Itoobiya ayaa sheegay inay duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyeen meel ka mid ah Soomaaliya.

Sida ay shaacisay Warbaahinta dowladda Itoobiya ee Fana duqeynta ayaa la sheegay in lagu fashiliyay weerar ay qorsheynayeen in Al-Shabaab ku qaadaan Ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Illaa 70 dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in duqeynta lagu dilay, laguna burburiyay labo gaari oo hub saarnaa.

Jen. Yilma Merdassa Taliyaha Ciidamada cirka ee Itoobiya ayaa sheegay in sidii loogu tala galay u dhacay weerarka.

Lama sheegin goobta sida gaarka uga dhacay duqeyntan, iyadoo Itoobiya ay qeyb ka tahay howl galka AMISOM, gaar ahaan qeybta 3aad ee ka howl gala Gobolada Bay iyo Bakool, inkastoo ciidamo kale ay ka joogaan Gobolka Hiiraan iyo qeybo ka mid ah Gedo.

Dowladda Itoobiya loogama baran inay ka hadlaan weerarada Al-Shabaab ku qaadaan, waxaana sheegashadan ay tahay mid cusub