Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa u yeertay Faadumo C/llaahi Maxamuud (Faadumo Insaaniya) oo ah Safiirka Soomaaliya ee Geneva iyo Xarunta Qaramada Midoobey Ee xuquuqul Insaanka ee magaalada Geneva.

Warqad uu qoray Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa loogu yeeray Safiiradda in muddo todobaad gudahood dalka ku soo gasho.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay, kaddib markii Safiiradda ay ka aamustay go’aankii Trump looga soo horjeeday ee ahaa inay Israa’iil leedahay Buuraha Golan Heights.

Lama oga in go’aanka Safiirada uga aamustay qaraarkaas in lala ogaa iyo in kale, ha yeeshee waxaa muuqata in dowladda Soomaaliya ay ka carootay in Safiirada ka aamusto go’aankaas.

Soomaaliya ayaa ka mid aheyd shan dal oo ka aamusay qaraarkii looga soo horjeeday go’aankii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ehaa in Israa’iil ay leedahay buuraha Golan Heights, kaasoo ay Israa’iil xoog ku heysato.

Siyaasadda arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay in sanadihii u dambeeyay qaadatay qaladaad laga baaqsan karay iyo go’aano aan loo baahneyn

Halkan hoose ka akhriso warqada:-