Duqa magaalada Jowhar Saalax Muudey Cali ayaa maanta xariga ka jaray beer loogu magac daray Beerta Jowhar oo ah tuulo yar oo laga heli karo waxyaabo badan oo ay shacabka reer Jowhar u baahnaayeen.

Beerta Jowhar oo ku taal bartmaha magaalada Jowhar ayaa ah mid loogu talogalay in dhalinyarada iyo carruurtaba waqtiyada fasaxa ah ay ku nastaan. Sidoo kale Beertan ayaa waxaa ku yaal salax ama garoon yar oo ay ku ciyaari karaan habeen iyo maalinba dadka ciyaaraha jecel.

Duqa magaalada Jowhar ayaa ugu baaqay dhalinyarada magaalada Jowhar inay ka faa’ideystaan isagoo u mahadceliyay dadkii lahaa fikrada beerta Jowhar.

Munaasabadii xariga looga jarayay Beerta Jowhar ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Warfaafinta dowlada Goboleedka Hirshabelle Maxamed Macalin Xasan Kulmiye waxana uu sheegay in Beerta Jowhar waqti wanaagsan ay ku soo beegantay maadaama magaalada Jowhar ay tahay magaalo ammaan ah dhalinyaraduna u baahan yihiin goobo ay ku nastaan kuna ciyaaraan.

Madaxa Shirkada Maalgelisay Xaruntan Beerta Jowhar Hagar Group LTD Muse Hagar ayaa sheegay in beertan ay ka heli karaan dadka garoon salax ah,hoolal shirarka,seminaarada iyo aroosyada lagu qaban karo,Baar iyo goobo ay carruurta iyo waalidkoodba xilliyada ciidaha ku damaashaadi karaan.

Waa markii ugu horeysay Beer sidan oo kale ah laga sameeyo magaalada Jowhar waxaana soo dhoweeyay dhalinyarada magaalada oo u mahadceliyay dadkii sameeyey beertan.