Duuliye u dhashay dalka Myanmar ayaa ku soo dejiyay garoon diyaaradeed iyadoo ay u bixi waayeen lugaha hore ee diyaarada.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Embraer 190 ayaa dhammaan dadkii saarnaa aysan waxyeelo soo gaarin waxaana laga soo dejiyay diyaarada iyagoo bed qaba.

Captain Myat Moe Aung oo ahaa duuliyihii diyaarada ayaa garoonka diyaaradaha labo jeer ku dul wareegayay isagoo doonayay in lugaha ay u fidsamaan,hase yeeshee markii dambe ayuu go’aansaday inuu diyaarada dejiyo isagoo raacaya talooyin ay siinayeen dadka haga diyaaradaha.

Diyaaradan ayaa ka soo duushay magaalada Yangon waxana markii ay ku soo dhowaatay magaalada Mandalay ay awoodi weysay diyaarada in lugaha u baxaan.

Wasiirka gaadiidka dalka Myanmar Win Khant ayaa ku tilmaamay howsha uu qabtay duuliyaha inay ahayd mid weyn.

Dhacdadan ayaa ahayd tii labaad oo dhinaca diyaaaradaha ee ka dhacda dalka Myanmar muddo toddobaad ah,waxaana Arbacadii aynu ka soo gudubnay ay diyaarad ka baxday wadada garoonka diyaaradaha magaalada Yangon waxaana uu dhaawac ka soo gaaray illaa iyo 17 ruux oo diyaarada saarnaa.