Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab inay beegsaneyso nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, kaddib markii weerar ku bilowday qaraxyo lagu qaaday Dhismayaal ku yaala Wadada Maka Al-mUkarama.

Eng. Yariisow ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu wado howlo dib loogu dhisatyo xarumaha degmooyinka iyo goobaha loogu adeego bulshada.

“Argagixsadu waxay beegsanayaan nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed ee waxba galabsan, Maamulka Gobolka Banaadir na waxuu u taagan yahay badbaadinta iyo dib u dhiska Caasimadda”ayuu yiri Eng. Yariisow.

Eng. Yariisow ayaa tilmaamay in xarumaha degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ay burburiyeen kooxaha argagixisadu, Maamul banaadir uu dib u dhisayo si loogu adeeggo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo goobaha dib loo dhisayo uu ku jiro Masjidka Degmada Howlwadaag ee ku burburay qaraxii argagixisadu la beegsadeen.

Qaraxyadii habeen ka hor ka dhaceen magaalada Muqdisho ayaa geystay burbur lixaad ah oo ku yimid dhismayaal iyo goobo ganacsi ku yaalla Wadada Maka Al-Mukarama oo uu si ba’an u saameeyay qaraxii koowaad.