Faah faahin ayaa ka soo baxaya qaraxyo geystay dhimasho iyo dhaawac oo ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya lagula eegtay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Qaraxyada oo ahaa nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan Milateriga oo saarnaa gaadiid, kaasoo marayay deegaanka Warmaxan.

Labo askari ayaa ku geeriyootay qaraxa lala eegtay gaari kuwa booyada ah oo ay la socdeen Ciidamada dowladda, waxaa jira dhaawacyo kale oo soo gaaray ciidamada.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in ciidamo ka tirsan Milateriga oo ku sugan deegaanka Sabiid lala eegtay qarax miino, xilli ay ku guda jireen dhaq dhaqaaqyo ciidan, lama soo sheegin khasaaraha soo gaaray.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in qarax ka dhacay deegaanka Sabiid ay ku dileen Sarkaal ka tirsan ciidanka Milateriga ee ku sugan deegaankaas iyo askar la socotay.