Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo iyo dagaal toos ah oo xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Jubada Dhexe oo ay ku sugnaayeen Saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Sida wararku sheegayaan weerarka hore oo dhacaya fiidkii xalay waxa uu ahaa duqeyn diyaaradeed oo lagu bartilmaameedsaday Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo uu ku jiro nin magaciisa lagu sheegay Khaalid Abuukar Xasan oo madax u ahaa amniyaadka Shabaab ee gobolka Banaadir.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubaland ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in weerarka oo ka dhacay deegaano hoostaga degmada Jilib lagu beegsaday guriga uu deganaa Sarkaalka Shabaab ee amniyaadka gobolka Banaadir iyo xarun kale oo u eheyd goob lagu diyaairyo qaraxyada.

Saraakiisha waxa ay sheegeen in labada weerar ee degmada Jilib ay ku geeriyoodeen dad gaaraya 16 qof oo isugu jira Saraakiil iyo ilaaladooda, iyadoo Shabaabku saaka ay wadaan howlgallo ballaaran oo ay ku qab qabteen dad lala xiriiryay iney wax ka hagayeen weerarada.

Sidoo kale Saqdii dhexe ee Xalay waxaa dagaal fool ka fool ah uu ku dhex maray degmada Bu’aale Ciidamo Soomaali iyo Ameerikaan ah oo isbaheysanayay iyo kuwa Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal muddo ku dhow saacad socday.

Weerarka Bu’aale waxaa la sheegay in Shabaabka lagu gaarsiiyay khasaare gaareysa dhimashada ilaa iyo 11 xubnood oo Shabaab ah, taasoo khasaaraha guud ee weerarka xalay ka dhigeysa dhimashada 31 xubnood oo Shabaab ah.

Lama oga khasaaraha weerarada ku gaaray Ciidamadii isbaheysanayay, iyadoo markii dambe ay dib uga soo gurteen goobaha howlgalada ay ka fuliyeen.

Ma jirto wali wax war ah oo Mareykanka uu ka soo saaray weerarka oo la rumeysan yahay in diyaaradahooda ay fuliyeen, iyadoo Shabaabna aysan ka hadal waxa ka jira wararka sheegaya in khasaare xooggan lagu gaarsiiyay howlgalka xalay.

Si kastaba, Mareykanka ayaa sanadkan kaliya ilaa iyo 35 weerar ka geystay dalka, kuwaasoo Saraakiishooda ay sheegeen iney ku dileen inkabadan 300 oo Shabaab ah, waxaana weerarada ay u badnaayeen kuwo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha leheyn ee Droness-ka.