Faah faahin ayaa ka soo baxaya iska hor imaad maanta duhurkii Ciidamo ka tirsan Milateriga iyo Ciidamo Boolis ah ku dhex maray isgoyska Baar Ayaan ee Jidka 30-ka.

Iska hor imaadka ayaa ka dambeeyay, markii gaari dagaal ay la socdeen Ciidamo Milateri ah ay xoog ku mareen bar ay ku sugnaayeen Ciidamada Booliska.

Wararka ayaa sheegaya in is rasaaseyn culus ay dhex martay labada ciidan, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in ugu yaraan labo askari Boolis lagu dilay, halka mid kale uu dhaawacmay, kaasoo mar dambe sawirkiisa lagu faafiyay baraha bulshada.

Xiisad u dhaxeysa Booliska iyo Milateriga ayaa ka taagan xaafado ka tirsan Muqdisho oo ay Ciidamada Booliska amnigooda sugaan, halka Ciidamada ay yihiin kuwa milateriga ee difaacyada ka soo baxay.

Maalintii shalay ayay aheyd markii degmada Shibis uu iska hor imaad ku dhex maray Ciidamo Boolis iyo Milateri, kaasoo ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

HALKAN GASHO