Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo gelinkii dambe ee maanta Ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab ku dhex maray deegaanka Yaaqle ee duleedka degmada Balcad gobolka Sh/Dhexe.

Sida wararku sheegayaan dabley hubeysan oo Shabaab ayaa wadada u gashay Saraakiil ka tirsan Xoogga dalka oo xiligaas ka soo baxayay deegaanka Yaaqle oo u dhaxeeya degmada Balcad iyo deegaanka Xawaadley.

Al-Shabaab ayaa waxay sheegteen in weerarka ay ku dileen Abaanduulihii Guutada Labaad ee ciidamada Xoogga dalka Gaashaanlle dhexe Cali Caliif ahaana ku simihii taliyaha guutada labaad iyo Ku xigeenkiisa

Warka Shabaab ay ku faafiyeen baraha lagu taageero waxa ay sidoo kale ku sheegteen in weerarka ay ku dileen 11 askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ayna ku gubeen sadax ka mid ah gaadiidka dagaalka ee Tiknikada loo yaqaan.

Wararka ayaa sheegaya in Saraakiisha ay Miino qabsatay gaarigii ay wateen, taasoo keentay in khasaare xooggan uu soo gaaro.

Ma jirto ilo ka madax banaan Al-Shabaab oo xaqiijinaya sheegashadooda, iyadoo Saraakiisha Hirshabeelle aysan wali si rasmi ah uga hadal weerarka galabta.