Faah faahin ayaa ka soo baxaya sarkaal ka tirsan ciidanka Milateriga dowladda Soomaaliya oo galabta lagu dilay duleedka Muqdisho, kaddib markii qarax lala eegtay gaari uu la socday.

Qaraxan ayaa ka dhacay deegaanka KM13, waxaana uu ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago.

Sarkaalkan ayaa la sheegay in ka hor inta aan qaraxa lagu dilay uu ka qeyb qaatay howlgal si xoog ah lagu gudbiyay gaadiid dhuxul siday oo ku sii jeeday deegaanka Tixsiile ee duleedka Afgooye, iyadoo la sheegay in Al-Shabaab weerareen gaadiidka, iyagoo doonayay inay gubaan.

Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa ammaankeeda uu faraha ka sii baxayay, waxaana shalay wadada lagu dilay illaa sagaal ruux oo lix ka mid ah ay ahaayeen Haween.